Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa sheegey in kulanka la filayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho uu yahay mid muhiim u ah Mustaqbalka Soomaaliya iyo heshiis laga gaaro muranka hanaanka doorashooyinka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in kulankaan ay soo qabanqaabisay beesha Caalamka iyo sidoo kalena ay dhaqaalle badan ku bixin doonaan si loo helo hanaan doorasho.
Ergeyga ayaa sidoo kale xusey sida murankan mudada sanadka ku dhow soo socdey uu u curyaamiyey adeegyadii kale ee muhiimka u ahaa dowladnimada Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Mas’uuliyiinta muhiimka u ah hanaanka doorashooyinka Soomaaliya ay kamid yihiin Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, hoggaamiyaasha maamul goboleedyada, madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.