Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ciidamo hor leh oo ka tirsan kuwa Keydka ay u soo direyso gudaha Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan howl-galka Midowga Afrika AMISOM ee lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab.
Ciidamadan oo gaaraya illaa 2,752 oo askari ayaa haatan ku sugan xarunta tababarada taageerada Nabadda ee Singo, si loogu tababaro halkaasi.
Uganda ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamadaasi ay Soomaaliya soo gaarayaan inta u dhaxeysa bisha October ee sanadkan, illaa bartamaha sanadka kale ee 2022-ka.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay dowladda Uganda in ciidamada ay soo direyso ay bedali doonaan kuwa kale oo ku sugan Soomaaliya oo dhameystay joogitaankooda.