Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay khubad ka jeedinayay madal looga dhawaaqayay Gole loogu magacdaray ” Badbaado Qaran ” ayaa sheegay in siyaasiyiinta iyo shacabka looga baahan yahay in laga wada qeybqaato sidii dalka horray loogu sii wadi lahaa.
Deni ayaa sheegay in dadaal badan ku bixin doonaan badbaadda dalka iyo sidii looga fogaan lahaa wax kasta oo keeni kara ayuu yiri dib u noqosho, waxaana uu shacabka dalbaday in aan la burburin hormarka uu dalku sameeyay tan iyo wixii ka danbeeyay sanadkii 2000.
Madaxweynaha Puntland ayaa intaa ku darray ”Dowladda maanta joogta waxay ku fashilantay geeddigii la waday ee qori isku dhiibka ahaa, in markii xilligeeda lasoo gaaray ay u dhiibto qofkii ku xigay. Waxay u baddashay in aysan jirin cid ka horreysay iyo cid ka dambeysay midna,”
Hadalka Saciid Cabdullaahi Deni ayaa imanaya xili Golaha ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka, iyo maamuladda Puntland iyo Jubbaland uga digeen madaxweynaha xiliggan haya talada dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo muddo korarsi.