Ergeyga qaramada midoobey oo la hadley Voa oo cara baabey cida ka qeyb geli doonta kulanka Afisiyoni

0
43

Ergayga gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, aya shaaca ka qaaday arrimo ku saabsan shirka la filayo inuu ka dhaco teendhada Afisyooni iyo cidda ka qeyb galeysa.

Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ah ayuu u warramay wuxuuna daaha ka rogay arrin aan faah-faahsaneyn balse laga dhex dheehan karo in shirka ka dhici doona Muqdisho ay siyaasiyiinta Soomaalida oo dhan ka wada qeyb gali doonaan.

Mr. Swan wuxuu shaaca ka qaaday in Qaramada Midoobay iyo saaxiibadooda beesha caalamka ay ka go’an tahay iney ka shaqeeyaan isku dubaridka kulankaan la filayo, maadaama fadhiyo dhawr ah ay hogaamiyayaasha Soomaalida ku heshiin waayeen.

Hadalka kasoo yeeray Swan ayaa u muuqda inuu si dadban u sheegay in mucaaradka ay kaalin ku yeelan karaan shirka Afisyooni, waana arrin uu aad u diidan yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.