Madaxweynaha muddo xileedkiiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa baaq cusub soo saaray, isagoo shir ugu baaqay madaxda maamul Goboleedyada iyo Gobolka Bannaadir.
Baaqan ayaa soo baxay saacado kadib War-saxaafadeed uu soo saaray xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Anthony Blinken oo madaxda Soomaaliya u sheegay inay si degdeg u dhammeystiraan heshiiska Doorashada, ayna qabtaan Doorasho aan dib u dhac lahayn.
Qoraal xalay saqdii dhexe kadib kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 22-ka Maarso 2021 ku baaqay shir lagu dhammeystirayo dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.”
Shirkan ayey Madaxtooyadu sheegtay inuu labo maalmood socon doono, loogana gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaasoo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020.