Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Genaral Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa saldhigga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde hoos gooyey taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir, kaasoo markii hore ahaa mid madax banaan.
Warqad kasoo baxday taliyaha Booliska ayaa lagu sheegay in haatan wixii ka dambeeyey saldhigga garoonka uu ka mid noqon doonto saldhigyada Booliska ee gobolka Banaadir.
Sidoo kale tallaabadan ayaa ka dhigan in awoodda magacaabista iyo xil ka qaadista saldhigga garoonka uu leeyahay taliska Booliska gobolka Banaadir.
Ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa tallaabada uu qaaday taliyaha Booliska ee saldhigga garoonka lagu hoos geeyey taliska qeybta guud, balse wararka qaar ayaa sheegaya in dano siyaasadeed laga leeyahay arrintaasi.