Xoghayaha arimaha dibada mareykanka oo ka hadley xaalada somaliya

0
270
U.S. Secretary of State Antony Blinken delivers remarks about priorities for administration of U.S. President Joe Biden in the Ben Franklin room at the State Department in Washington, U.S. March 3, 2021. Andrew Caballero-Reynolds/Pool via REUTERS
U.S. Secretary of State Antony Blinken delivers remarks about priorities for administration of U.S. President Joe Biden in the Ben Franklin room at the State Department in Washington, U.S. March 3, 2021. Andrew Caballero-Reynolds/Pool via REUTERS

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa qoraalkii ugu kululaa kasoo saaray is-mari waaga siyaasadeed ee Soomaaliya, wuxuuna ku baaqay doorasho deg deg ah oo dalka ka dhacda.

Blinken ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay aad uga walaacsan tahay is-mari waaga siyaasadeed ee Soomaaliya, oo uu sheegay inuu abuurayo hubanti la’aan siyaasadeed oo halis gelinaya amniga, xasiloonida iyo horumarka dalka.

“Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka inay meel iska dhigaan hadafyada siyaasadeed ee kooban, oo ay qaataan mas’uuliyadda ay u hayaan shacabka Soomaaliya, ayna deg deg isugu raacaan qabashada doorashooyin deg deg ah, loo dhan yahay islamarkaana daah-furan,” ayuu yiri Blinken.

Waxa uu sheegay in is-mari waaga uu waxyeeleynayo horumaradii ay sameysay Soomaaliya islamarkaana uu dib u dhigayo isbeddelada deg degga ah ee ay u baahan tahay Soomaaliya si ay ugu sii socoto waddada ay ku gaareyso deyn cafin buuxda, ayna wiiqeyso la-dagalaanka argagixisada.

Blinekn ayaa sidoo kale taageero u muujiyey dibad-baxyada shacabka Soomaaliyeed ee dowladda ay isku dayday inay hor-istaagto.