Madasha Badbaado Qaran oo dhawaan loogu dhawaaqay magaalada Muqdisho ayaa qoraal lagu daabacay luuqata English oo ka dhan ah madaxweyne Farmaajo waxaa ay u dirtay beesha caalamka.
Qoraalka Madasha oo ah mid aad u dheer ayaa loo diray xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony J. Blinken, Wakiilada sare ee Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga Josep Borrell, xoghayaha arrimada dibedda Britain Dominic Raab, Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlüt Çavuşoğlu, guddoomiyaha Midowga Afrika Felix-Antoine Tshisekedi Tshilombo, Xoghayaha ururka iskaashiga dalalka Islaamka Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman Al-Othaimeen iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-Gheit.
Qoraalka ayey ku sheegeen in madaweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday uu ku guuldareystay in uu dalka doorasho gaarsiiyo sidaa daraadeed in Soomaaliya xiligan wajaheyso xaalad halis ah.
Waxa kale oo ay ku eedeeyeen in uu waxyeeleeyey dadaal iyo daacdnimo kasta oo ay muujiyeen saamileyda siyaasadda, ayaga oo tusaale u soo qaatay in uu ka soo kacay miiska wada-xaajoodka ee shirkii Dhuusamareeb 4 ee looga hadlayay arrimaha doorashooyinka.
Shirkan Farmaajo uu ku baaqay ayey sheegeen in lagu soo beegay xilli beesha caalamka ay waddo dadaal la isugu keenayao dhinacyada Soomaaliya, si ay ugu shiraan garoonka diyaaradaha ee Aadana Cadde.
Sidoo kale waxaa ay ku eedeeyeen madaxweyne Farmaajo uu ka waddo gudaha dalka xasilooni darro baahsan isaga oo ciidamo ku daabulaya gobolka Gedo, taasi oo ka hor-imaneysa, sida ay sheegeen, qodobadii ay soo jeediyeen guddigii farsamo ee ku shiray Baydhaba.
Madasha ayaa sidoo kale sheegtay in Farmaajo uu weli sii wado in uu ciidamada Qaranka u adeegsado dano shaqsi, intii ay kala dagaalami lahaayeen kooxda Al-Shabaab.
Waxaa ay sheegeen in uu amray in ciidamada Haramcad ay la wareegaan ammaanka garoonka Aadan Cadde, taasi oo ay ku macneeyeen isku day lagu fashilinayo dadaallada beesha caalamka ee shirka halkaas ka dhacaya.
Madasha ayaa sheegtay in dhammaan qodobadaas, oo ay wehliyaan ficilladii dhacay 19-kii Febraayo ee lagu weeraray dibad-baxayaasha ay caddeynayaan in Farmaajo uu ku xadgudbayo awooddiisa.