Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo howlo shaqo u jooga Magaalada Muqdisho ayaa maanta Hoyga uu degan yahay ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe Ambasador Jemes Swan.
Kulankaan ayaa aad looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka gaar ahaan muhiimada ay leedahay in isfaham buuxa laga gaaro qabsoomida Doorashoooyinka lagu wada qanacsanyahay.
Sidoo kale Kulankan waxaa looga hadlay Xaaladaha Guud ee Hirshabeelle gaar ahaan fatahaadaha maadaama laguda galayo xili roobaadka.