Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in aysan muuqan sabab uu uga qeyb galo shirka wadatashiga ee madaxweyne Farmaajo ku casuumay madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Madaxweyne Deni oo BBC Somali wareysi siiyay ayaa sheegay in ay qatar amni ku jiraan islamarkaana dowladda federalka ay ciidamo ku hareeraysay xerada Xallane oo ay degen yihiin isaga iyo Axmed Madoobe.
Deni wuxuu sheegay qorshaha ciidamada Xallane loosoo dhoobay in ay tahay sidii loosoo wareeri lahaa iyaga, isaga oo sheegay madaxweyne Farmaajo in uusan u soo jeedin doorasho xallaal ah inuu qabto.
“Waxaan idiin sheegayaa meeshaan shir kama muuqdo, waxaa ka horraysa amaanka in meel la isla dhigo, sharciyadda lagusoo laabo, markaas kadib ayaa doorasho laga wada hadli karaa,” ayuu yiri madaxweyne Deni.
Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Farmaajo uu jebiyay tal-soo jeedintii shirkii Baydhabo kadib markii sida uu sheegay ay dowladdiisu ciidamo ku daabushay gobolka Gedo.