Dowladda Maraykanka ayaa madaxweynayaasha dowlad goboleedyada u sheegtay in ay Muqdisho sii joogaan illaa laga gaarayo heshiis siyaasadeed oo arrimaha doorashada ku saabsan.
Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa sidan ku sheegtay qoraal kooban oo ay kusoo daabacday barteeda Twitterka, iyadoo qoraalku uu si toos ah ugu socday madaxweynayaasha, Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur galbeed iyo Hirshabelle.
Dowladda Maraykanka waxay sheegtay in aanan la qaadan karin guul darro kale oo ku yimaada geeddi socodka doorashada.