Kulan xerada afisiyooni uga furmey madaxweynaha iyo maamul goboleedyada raacsan

0
101

Waxaa goor dhaw teendhada Afsiyooni ee magaalada Muqdisho ka furmay shir gaar ah oo looga hadli doono arimaha doorashooyinka dalka, shirkaas oo uu ciclaamiyey madaxweynaha dalka.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble, madaxweynayaasha maamul gobolleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa waxaa ka maqan oo aan ka soo qeybgalin madaxweynayaasha maamul gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland oo maalmihii ugu danbeeyayba u joogay Muqdisho ka qeybgalka shirkan, hasse ahaatee waxaa soo baxaya in uu jiro khilaaf xoogan oo ku gadaaman ajandaha shirka iyo cidda hoggaamineysa.

Beesha caalamka ayaa dhinacyada Soomaalida cadaadis xoog leh ku saaraya heshiis kama danbeys ah oo laga gaaro arrimaha doorashada.