Wakiilka gaarka ah ee amisom oo sheegay in madaxda dalka kala hadley sugida amniga xarunta shirka lagu qaban doono

0
206

Wakiilka gaarka ah ee midowga Africa AMISOM Ambassador Francisco Madeira qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu madaxdan kala hadlay amniga guud ee xarunta shirka iyo midka madaxda ka qeyb-gaeleysa shirka.

Ambassador Madeira ayaa sheegay in la dhameystiray farsamada iyo amniga kulanka oo ka dhex dhacaya teendhada Afsiyooni, islamarkaana Amisom ay damaanad qaadeyso amniga kahor iyo kadib kulanka.