Igad oo ka hadashey carqaladaha hortaagan doorashooyinka dalka

0
166

Urur goboleedka IGAD oo war ka soo saaray khilaafka hareeyey doorashada Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey in shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada uusan u qabsoomin sidii loogu talagalay.

“IGAD waxay ku boorineysaa dhammaan hoggaamiyeyaasha inay ka waantoobaan ficil kasta oo carqaladeynaya dadaallada lagu doonayo in dib loogu bilaabo wadahadalka, loona sii xoojiyo ismari waaga siyaasadeed ee hada jira,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay IGAD.

Sidoo kale IGAD ayaa ku boorisay hoggaamiyayaasha Soomaalida inay dib ugu laabtaan dhabaha wadahadalka oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan isku tanaasul, iyadoo la tixgelinayo danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Beesha caalamka ayaa wada dadaallo, si heshiis guud ay doorashada uga gaaraan madaxda Soomaaliya, waxayna xubnaha beesha caalamku maalmihii iyo saacadihii la soo dhaafay soo saareen qoraalo canaan iyo tilmaamo isugu jiray.