Midowga yurub oo siyaasiyiinta somaaliyeed ugu digey wiiqida geedi socodka somaliya

0
222

War ka soo baxay Ururka Midowga Yurub ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida, gaar ahaan kuwa wiiqaya wadahadallada doorashooyinka, in ay la kulmi doonaan cawaaqib ka dhasha ficilladooda.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub Josep Borrel, ayaa loogu baaqay madaxda Soomaalida in ay sameeyaan isu tanaazul horseeda hannaan doorasho oo deg deg ah iyo in si nabad ah talada loogu kala wareego iyadoo la raacayo heshiiskii 17-ki September.

Midowga Yurub ayaa sheegay, in isfaham la’aanta hadda ka dhex-jirta hogaamiyaasha Soomaalida ay si weyn dib ugu dhigeyso xawaaraha isbaddalka ay sida dhaqsaha ah ugu baahan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa loogu baaqay in ay ixtiraamaan mas’uuliyadda ka saran shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay si deg deg ah u qabtaan doorashada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha.

Bayaanka ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in hogaamiyaasha siyaasadeed ay naftooda ceebeeyaan si ay u matallaan muwaadiniintooda, marka ay danahooda shakhsiyadeed ka hormariyaan danta guud.