Waxaa maanta kulan isugu yimid xildhibaanada taabacsan Golaha Badbaado Qaran oo dhawaan Muqdisho looga dhawaaqay, waxaana golahaas ku mideysan guddoomiyaha Aqalka Sare, madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland iyo midowga musharaxiinta.
Xildhibaanadaas oo ka socday labada Aqal Barlamaanka Federaalka ayaa kulankoodii maanta ku soo dhaweeyey dhismaha isbaheysigaan cusub, sidoo kale waxay saxiixeen codsi ay Madashan u soo gudbisay xildhibaanada, kaas oo looga hor tegayo mudo kororsi la sheegay in madaxweyne Farmaajo damacsan yahay.
Qoraalka Xildhibaan Mahad Salaad ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan uga dignay saraakiisha Farmaajo u adeegsanayo burburinta dalka ee ku tumanaya shuruucda dalka in aysan ciqaab la’aan noqon doonin hadii aysan ka waantoobin ficilada liddiga ku ah dimuquraadiyada iyo xasilloonida dalka.”
Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in guddoonka baarlamaanka ay uga digeen in dalkan burburintiisa iyaga loo adeegsado, isla markaana ay iska diidaan mudo kororsi uu sheegay in madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday uu damacsan yahay.