Dalka ingiriiska ayaa sheegay in marnaba dhinacooda aqbali doonin doorasho aan wadar ogol ku dhicin dalka Soomaaliya, xili wali hoggaamiyayaasha Soomaalida uu dhax yaalo khilaaf baahsan oo la xiriira arrimaha doorashada.
War ka soo baxay Wasiirka UK ee Africa James Duddridge, ayaa lagu sheegay in marnaba aan la aqbali doonin ficilada keeni kara doorasho is barbac socta ama dhinac kaliya ah ama xitaa muddo korarsi lagu sameeyo hay’addihii horey u sii jiray ee dowladda.
Boqortooyada ayaa hoosta ka xariiqday baahida degdegga ah ee loo qabo in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay isu yimaadaan oo ay gaaraan heshiis guud oo ku saabsan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka, iyadoo la raacayo qaabkii lagu heshiiyey 17-kii Sebtember iyo talooyinkii Guddiga Farsamada ee 16-kii Febraayo.
Hadalka kasoo baxay dalka ingiriiska ayaa kusoo beegmaya xili magaalada Muqdisho ku sugan yihiin madaxda Federaalka iyo kuwa Maamul gobolleedyada oo u jooga in ay wadahadal ka yeeshaan qabashada doorasho leysku raacsan yahay.