Waxaa Goordhow Shir gaar ah uu uga furmay Hotel ku yaal Xendaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed, Puntland, Jubbaland, Galmudug, iyo Hirshabelle.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa xal u helida Arrimaha la xiriira khilaafka Arimaha Doorashooyinka Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa uu daba socday shirar gaar gaar ah oo maalmihiia soo dhaafay dhexmarayay qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada kajira dalka.
Habeen ka hor waxaa baaqday shir la filayay in ui dhexmaro Madaxweynayaasha Shanta Dowlad Goboleed iyo Wakiilada Beesha Caalamka, kaasoo looga hadli lahaa ka gudbida caqabadaha hareeyay doorashada Soomaaliya.