Qarax noociisu yahay miinada dhulka lagu aaso ayaa maanta waxaa lala beegsadey gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada degmada deyniile isaga oo marayey wadada Xaafada daaru-Salaam meel u dhow Xoolo-qalka.
Qof kamid ah dadka ku nool Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin kamid ah gobolka Banaadir lala eegtay Gaari uu watay mas’uul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.
Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Siyaasada degmada Dayniile Cabdi Maxamed Maxamuud uu u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray qaraxa oo haleelay Gaariga uu saarnaa.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydka guddoomiye kuxigeenka & dadka kale ee ku waxyeeloobay qaraxa, iyada oo rasaas ay fureen Ciidamada la qarxiyay ay ku dhaawacmeen Saddex Ruux oo Shacab ah.