Golaha Amaanka ee Qarramada Midoobey ayaa kulan ay albaabada u xirran u xiran yihiin uga doodday xaalada siyaasadda Soomaaliya, iyaga oo ugu baaqay dhinacyada Soomaalida in ay dib ugu laabtaan wadahadalladii Afisiyooni.
Kulanka ayuu Golluhu warbixin la xiriirta xaalada siyaasadeed ee dalka uga dhigeystay wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobey James Swan, gaar ahaa ismari-waagii wadahadallada doorashada ee ugu danbeyntii sababtay in Baarlamaanka Soomaaliya muddo labo sano ah ugu darro dowladda hadda jirta.
Wakiilada wadamada xubnaha ka Golaha oo qaarkood qoraal soo saaray ayaa sheegay muhiimada ay leedahay in dib loogu laabtay wadahadalladii teendhada Afisiyooni oo ay garwadeen ka ahaayeen beesha caalamka.
Waxaa sidoo kale aragtiyo taa la mid ah soo jeediyay wakiilada Golaha Amaanka ee wadamada Irealand iyo India kuwaa oo sheegay in ay lagama maarmaan tahay in mar kale wada hadal leysugu yimaado.