Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa maanta kulan ka yeeshay ismaandhaafka doorashada ee ka taagan Soomaaliya, kadib markii barlamaanka Soomaaliya uu meel mariyay sharci oggolaanaya muddo kordhin labo sano ah.
kulanka oo furmay maanta tobankii barqanimo ayaa weli ka socda xarunta midowga Afrika ee magaalada Addis ababa.
Golaha Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dhamaan daneeyayaasha Soomaaliya inay mudnaanta siiyaan wada hadal loo dhan yahay iyo is afgarad siyaasadeed oo ku wajahan nabada iyo xasiloonida
Kulankan ayaa imaanaya maalin uun ka dib markii madaxweyne Farmaajo uu ku boorriyey Midowga Afrika inay fududeeyaan wadahadallada u dhexeeya dawladda iyo mucaaradka.