Maamulka Puntland oo war ka soo saaray tallaabadii muddo kordhinta ee Golaha Shacabka baaralamaanka Soomaaliya u sameeyeen dhawaan hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in tallaabadaasi ay ahayd sharci darro ayna ka soo horjeedaan.
Qoraalka Puntland ay soo saartay waxaa lagu sheegay in hannaanka kaliya ee heshiiskii lagu yahay uu yahay heshiiskii 17 -kii September si loo qabto doorasho iyagoo muujiyay in loo baahanyahay in la xaliyo caqabadaha hortaagan fulinta heshiiskaas.
“Puntland waxay ugu baaqaysaa saxiixayaashii heshiiskii -17 September ee 2020-kii Saamilayda siyaasadeed iyo wakiillada beesha caalamka ee daneeya horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya in miiska wadahadalka lagu soo noqdo sida ugu dhaqsiyaha badan si loosoo afjaro xaaladda hubanti la’aanta dowladeed loogana hortago khal-khal amni iyo burbur dowladnimo” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay mamaulka Puntland.
Maamulku ayaa ku goodiyay inuu tallaabo qaadi doono haddii ay dhici waydo in miiska wadahadalka la isugu soo laabto isla markaana ay la wadaagi doonaan go’aannada ay qaataan umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka.Puntland ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayso cid kasta oo ka qayb qaadanaysa xalinta khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira .
Mowqifka maamulka Puntland ee muddo kordhintii Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ay u sameeyeen hay’addaha dolwadda ayaa imaanaya iyadoo horey arrintaan ay uga soo horjeesteen maamulka Jubaland, Midowga Musharaxiinta mucaaradka ah iyo guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya iyagoo dhamaantood ku tilmaamay in tallaabada Golaha Shacabka ay tahay sharci darro. @Wariye Xabwaas