Madaxweynihii hore ee somaliya oo soo dhaweeyey baaqa golaha amniga ee Q.M

0
108

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ah Gudoomiyaha golaha Musharaxiinta ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aankii xalay lagu cambaareeyay muddo kororsagii Sharci darada ahaa.

Shariif Sheekh waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay ku socoto meel halis ah uuna soo dhaweynaayo in la badbaadiyo.

Warka Sheekh Sharif ayaa siddan u qornaa:

Waxaan codkeyga ku biirinayaa taageerada baaqa golaha amniga ee Q.M, kan golaha amniga ee Midowga Africa, iyo baaqyada isxigxiga ee saaxiibada Soomaaliya ee caalamka oo ay si wadajir ah ugu cambaareeyen muddo kordhinta sharci darrada oo inyar oo kamid ah golaha shacabka ay sifa aan waafaqsanayd shuruucda dalka u go’aamiyeen.

Waxaan markale ku celinayaa in Soomaaliya aysan qaadi karin xil kordhin oo ay tahay in heshiiskii September 2020 uu yahay dariiqa kaliya ee looga badbaadin karo Dalka inuu galo fowdo iyo amni darro caqabad ku ah xasilloonida Soomaaliya iyo tan gobolka.

Waxaan ugu baaqaynaa madaxda xilligoodu dhamaadey iyo maamulada sida indha la’aanta ah u taageerey iyagoon la tashan dadka ay matalaan inay ka fiirsadaan tallaabooyinka qaras iska tuurnimada ah oo ay qaadayaan, waxaana ugu baaqeynaa inay kusoo laabtaan miiska wada hadalka oo ay tahay in doorasho la aado sida ugu dhaqsaha badan.

Dalkaan dowladnimadiisa jilcan meel fog baa laga keeney oo waqti, xoolo iyo nafba loo huray, sidaa awgeed marna lama aqbali doono ficillada aan mas’uuliyadda lahayn ee ay wadaan koox yar oo kursi jacayl uu madax maray.