Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo kulan la qaatay saraakiisha hay’addaha Amniga ayaa ka hadlay dhacdadii maalintii shalay ee Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in dhacdadaasi aheyn mid aan la aqbali karin, tallaabo sharci ahna laga qaadayo dadkii ka danbeeyey, waxaana uu faray wasaaradda amniga in baaritaan dhab ah lagu sameeyo falkaas.
Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa faray hay’addaha Amniga in ay dardar galiyaan howlahooda sugida amniga, baaritaan dhab ahna lagu sameeyo dhacdadii Garoonka Aadan Cadde.