Madaxweyne farmaajo oo buffalo news u sheegey in uu xilka sii heyn doono ilaa doorasho ka dhacdo

0
185

Madaxweynaha dowlada federaalka somaliya oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey Wargeyska buffalo news ayaa sheegay inuu xafiiska sii joogi doona illaa doorasho ay ka dhacdo dalka.

Wargeyska Buffalo News ayaa ah wargeys kasoo baxa degmadii uu mareykanka ka degenaa madaxwene farmaajo ka hor inta uusan noqon madaxweyne.

farmaajo ayaa wargeyska u sheegay in dalka uu u baahan hogaan sii haya talada dalka inta laga gaarayo doorasho taasina ay ku qasabtey in uu ku darsado labo sano maadama doorashii aan welilagu heshiin.

Waxa uu tilmaamay in labada sano ee uu ku kororsaday muddo xileedka ay tahay “isbeddel nidaam doorasho,” wuxuuna ku adkeystay in waqtigan dheeri ah uu ku qaban karo doorashooyin ay shacabka doortaan wakiiladooda, inkasta oo ay jirto in afartii sano ee uu xukunka hayey aanu maalinna ka shaqeyn doorasho noocaas ah.

Waxa uu sidoo kale ka jawaabay cambaareynta Mareykanka iyo Yurub ee ka dhanka ah muddo kororsiga. “Tan ma ahan muddo kororsi. Tani waa isbeddel nidaamka doorashada ah. Waxayna u baahan tahay waqti in doorashada la qabto, dabcan.”