Wasarada gaashaandhiga oo ka jawaabtey war-murtiyeedkii golaha amniga midowga africa

0
236

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim ayaa ka hor yimid war murtiyeedkii Golaha amniga iyo nabadgalyada Midowga Afrika uu Askarta AMISOM ku faray la socdka dhaq-dhaqaaqa Ciidanka Dowladda Federalka.

Waxa uu Sumcad dil ku tilmaamay wasiir ku xigeenka go’aankaas maadaama waajibaadka AMISOM aysan qayb ka ahayn sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu intaas ku daray in aysan aqbali doonin dalabkaas oo ay soo jeedintiisu leeyihiin Dowlado shisheye sida uu hadalka u dhigay.

Cabdifitaax Qaasim ayaa ku faanay in muddo afar sanno oo sharci ah & bilooyinka dheeraad ah oo ay jirto Dowladda waqtigeedu dhammaaday in joogto loo siiyo mushaar Askarta Dowladda Soomaaliya.

Soojeedinta in dhaqdhaqaaqa Ciidanka dhaq-dhaqaaqooda lala socda ayaa ka dhalatay Weerarkii 19-kii September 2021 lagu qaaday Hoteel ay degenayaan qaar ka mid ah golaha musharixiinta oo ay ugu horeeyaan madaxweynayaashii hore.