Gudoomiyihii deegaanka leego oo xaley la diley

0
92

Magaalada Wanllaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose waxaa xaley lagu dilay guddoomiyihii deegaanka Leego iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa, kadib markii lagu weeraray guri ay ku sugnaayeen.

Koox hubeysan ayaa Bambaanooyin ku weerartay hooyga uu guddoomiyihii Leego ka deganaa degmada Wanllaweyn, waxaana halkaas ku geeriyooday isaga iyo laba askari, halka dhaawacyo kalena ay jiraan.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Wanllaweyn ayaa warbaahinta u xaqiijiyey geerida guddoomiye Gucdur, waxaana magaalada ka bilaawday howlgallo lagu baacsanayo kooxdii fulisay weerarkaas.

Illaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay weerarkaas, sidoo kale ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadiisa.