Qarramada ayaa war deg deg ah ka soo saartay dagaalladii ugu danbeeyay ee ka soo cusboonaaday ee Muqdisho ku dhaxmaray ciidamada kala taabacsan dowladda iyo mucaaradka.
“Bahda Qarramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn ayaa lagu yiri” Qoraalka ka soo baxay Qarramada Midoobay.
Qarramada Midoobey ayaa sheegtay in marnaba xabadda aysan xal u noqoneyn ismariwaaga siyaasadeed ee taaggan, waxaana dhinacyada iska soo horjeeda ay ugu baaqday in ay is xakameeyaan.