Reysulwasaare Raable oo ka adley dagaaladii shaley ilaa xaley ka dhacay magalada muqdisho

0
188

Ra’iisal Wasaaraha Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo ka hadlay dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay xiligan in dalka qalalaase la galiyo.

Waxaa uu sheegay in dhinacyada ku lugta leh dhamaanba dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho nabada ilaaliyaan, islamarkaana loo turo sida uu hadalka u dhigay dadka shacabka ah.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu duulaan ku yahay naftooda iyaga oo intaa ku darray in ay is difaacayaan.

Wali xaalka magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid aan daganeyn iyadoo meelaha qaar ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka.