Odayaashii dhaqanka ee Afartameeyadii ka arimin jiray deegaanada KG.

0
277

Marka uu imaaday isticmaarkii Talyaaniga wuxuu ka codsaday ineey siiyaan dhalinyaro uu ciidan kadhigto weey ka diideen waxeeyna ku dhaheen ma heyno dhalinyaro aad gaaleeysiiso mudo kadib wuxuu dhalinyaro kala imaaday gobolada dhexe iyo Mudug.

Dhalinyaradii Soomaaliyeed uu la imaaday wuxuu usoo wada geliyay dhar ciidan wuxuuna kusoo daabulay Xamar iyo deegaanada Koonfur Galbeed, dadka deegaanka waxeey dhihi jireen waagaas ciidamada adeegaha u ahaa Isticmaarka, SARWAAL LUGA DHEEDHEEROOW MAAY AAMAASE HUNGURI DHAMAANTIISA ANII XUKUMEE.

Isticmaarka Talyaaniga wuxuu bilaabay inuu cadaadiyo dadka deegaanka isagoo u adeegsanayo dhalinyarada Soomaaliyeed uu kala imaaday Gobolada dhexe iyo Mudug, gabood falyo badan oo ka dhan ah bini’aadannimo ayaa laga geystay Gobolada KG heer waxaa la gaarsiiyay in dadka lagu guro Kili asaayle lagana dhigto buundo ama Bridge looga gudbo Kiliga gabood falyadaasi waxaa geysan jiri Soomaalida adeegaha u ahaa Talyaaniga ee laga keenay Gobolada dhexe iyo Mudug.

Markuu Talyaaniga bixitaankiisa soo dhawaaday wuxuu mar kale Odayaasha ka dalbaday inay keenan dhaliyaro loo diro waxbarasho soona barta maamul si marka uu baxaayo ugu wareejiyo maamulka wey ka diideen mar labaad.

Wuxuu go’aan saday dhalinyarada uu ka keenay gobolada dhexe iyo Mudug qeyb kamid ah inuu u diro wax barasho si uu ugu wareejiyo maamulka.

Dhalinyarada waxeey isugu jireen Daarod iyo Hawiye waa kuwa hada xukunka haya awoow yaashood oo adiga laguugu sheekeeyay inay ahaayeen wadaniyiin kaalin mugleh kasoo qaatay xureynta dalka.

Waxeey ku heshiyeen in dadka reer Koonfur Galbeed ay kusii hayaan cadaadiskii uu Talyaaniga ku heyn jiray si aysan madaxa kor ugu sooqaadin una xukumaan, ma aha Soomaaliya oo kaliya ee dalkasta oo lasoo gumeystay gumeystaha wuxuu xukunka ku wareejiyay kuwa isaga u adeegi jiray, waxaa kaloo ogaataa qori isku dhiibka labada beelood inuu meeshaasi kasoo bilowday ilaa hada uu socdo.

Waxaa cadeyn kugu filan qof ka imaaday 800 ilaa 1500 KM inuu Xamar kaga gorgortamo Madaxweyne ama Raiisalwasaare adigoo degan Xamar ilaa Itoobiya Xamar ilaa Kenyana aadan waxba ka aheyn.

An usoo daadego nuxurka qoraalkeeyga Labada beelood waagaas ilaa hada ma aysan arag siyaasi ama qof kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo yiraahdo maya oo aan ka eheyn Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur waxeyna u arkeen qatar culus oo soo wajahday labada beelood hadeysan ka hor tagina midkood uu qadka ka baxayo haduu Mukhtaar noqdo Madaxweynaha DGKGS.

Arinkana ma ah mid ku eg Fahad Yaasiin iyo Farmaajo kan ka dambeyn doona xitaa masoo deyn doono Mukhtar Roobow..

Yaan laguugu sheekeen Mukhtar wuxuu u xeran yahay siyaasi Koonfur Galbeed ama hebel siyaasiga Koonfur Galbeed door kiisa wuxuu ku ekaa oo kaliya soo shirqoolida Mukhtaar kuma laheyn door kale.

Waxaan rajeeynayaa inuu caqliga ka koro meesha uu hada taagan yahay lana gelin qaladkii Afartameeyadii lagalay.

SIDEE BUU MUKHTAR ROOBOW KUSOO BIXI KARAA ?

Mukhtar Roobow wuxuu kusoo bixi karaa oo kaliya in shacabka iyo Maamulka KG muujiyaan isku duubni kana tashadaan masiirka dadka iyo deegaanka kala qeyb sanaantana meel la iska dhigo, deegaan kaaga hadaa saameyn ku leedahay qof walba wuxuu ku qasban yahay in uu ku maqlo.

Waxaa muhim ah sida uu hada xaalka yahay in wax laga bedelo inta goori goortahay.

DIGIL&MIRIFLOW HELINEENAA HEEDEEN ISLA BUUBTOOY.

Wa bilaahi towfiiq.

Qore Abukar Macalim Ibrahim