Xoghayaha guud ee qaramada midoobey oo sheegay inuu ka walaacsan yahay xalada dalka somaliya

0
116

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay inuu ka walaacasan yahay xaaladda Soomaaliya, kaddib dagaalladdii Axaddii ka dillaacay magaalada Muqdisho.

War-murtiyeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka Xoghayaha Guud Stephane Dujarric ayaa qornaa sidan:-

“Xoghayaha-Guud wuxuu aad uga walaacsanyahay iska hor imaadyadii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Wuxuu mar kale ku celinayaa baaqiisa ah in dhamaan saamilayda Soomaaliyeed ay ka joogsadaan rabshado dambe oo ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wadahadal iyo isu-tanaasul.

Xoghayaha-Guud wuxuu ku boorinayaa dhamaan saamilayda Soomaaliyeed inay si dhakhso leh dib u billaabaan wada-xaajoodyada isla markaana ay gaaraan heshiis ku saleysan Hanaankii Doorashada ee 17kii Sebtember iyo soo-jeedintii Baydhabo”