Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka hadashay dagaaladii maalmo kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Milateriga ee kasoo horjeeda muddo kordhinta loo sameeyay Farmaajo.
War-saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay ka xun yihiin dagaaladii ka dhacay Muqdisho, iyagoona tacsi u diray cid kasta oo wax yeello ka soo gaartay dagaaladaas dhacay.
Puntland ayaa Ciidanka dowladda Federaalka ugu baaqday inay ilaaliyaan nabadda iyo xasilloonida dalka Soomaaliya, isla markaana ka fogaadan wax kasta oo dalka u keeni kara qalalaaso siyaasadeed.
“Puntland waxay ka xuntahay dhacdooyinka amni darro ee ka dhacay Magaalada Mogadishu maalmihii la soo dhaafay, waxayna uga tacsiyeynaysaa cid kasta oo wax yeello ka soo gaartay, waxayna sidoo kale guud ahaan ciidamada amniga ugu baaqeysaa in ay illaaliyaan amniga iyo xasiloonida Dalka” ayaa lagu yiri Qoraalka Puntland.
Ugu dambeyn Maamulka Saciid Deni ayaa ugu baaqay Midowga Murashaxiinta, Siyaasiyiinta, Ururada Bulshada rayidka ah iyo dhammaan qaybaha Bulshada Soomaaliyeed in ay gacan ka geysataan illaalinta xasiloonida Dalka iyo sidii looga miro dhalin lahaa qabsoomidda doorasho wadar oggol ah.