Mareykanka oo fariin cad u direy xildhibanada golaha shacabka iyo madaxweyne farmaajo

0
163

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka inay deg deg u baabi’iyaan sharcigii muddo kororsiga ee la meel-mariyey 12-kii bishan April.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Dowladda Mareykanka waxay qireysaa ballan-qaadka uu madaxweyne Farmaajo sameeyey 28-kii April ee ah inuu dib ugu laabanayo heshiiska 17-ka September uuna deg deg u billaabayo wada-hadallada hoggaamiyayaasha dowlad goboleedyada. Waxaan ugu baaqeynaa madaxweynaha iyo baarlamanka inay deg deg uga howl-galaa baabi’inta sharciga muddo kororsiga ee 12-ka April.”

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu ammaanay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo hoggaamiyayaasha HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed inay diideen muddo kororsiga.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa ugu baaqday madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada inay deg deg u kulmaan si ay u dhameystiraan hanaan doorasho oo heshiis ku dhisan, una qabtaan doorashooyinka baarlamanka iyo madaxweynaha sida ugu dhaqsaha badan, ayada oo saldhig looga dhigayo heshiiska 17-ka September.