Reysulwasaare rooble oo xaley kulan la qaatey midowga musharixiinta iyo maamul goboleedyada galmudug iyo hirshabele

0
104

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa xalay kulan la qaatay madaxda dowlad gobolleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo xubno ka tirsan midowga Musharixiinta dalka.

Kulankan ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta la hadlay Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Warfaafintan Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo faah faahiyay waxyaabihiii looga wada hadlay.

Wasiirka ku-xigeenka ayaa sheegay in ujeedada kulanka uu ahaa sidii looga wada shaqeyn lahaa amniga iyo deganaanta muqdisho isla markaana looga hortegi karo waxkasta oo keeni kara dhibato.”ayuu yiri Wasiir Al Cadaala.

Dhinaca kale waxaa uu intaa ku darray in ay ka wada hadlleen madaxda in dalka ay si deg deg ah uga dhacdo doorasho asal u ah heshiiskii 17-kii September, isla markaana dhinacyada oo dhan ay xoogooda u mideeyaan sidii looga fogaan lahaa wixii dalka horseedi kara xasilooni darro.