Dowladda Qatar oo Wafdi u soo diraysa Soomaaliya

0
70

Sidda Wararka ay sheegayaan Wafdi ka socda dowladda Qatar ayaa lagu waddaa in maalmaha soo socda ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho si ay qeyb uga noqdaan dadaallada lagu doonaayo in doorasho wada ogol ah ay ka dhacdo Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa Ergay cusub oo lagu Magacaabo Dr. Mutlaq Alqaxdaani oo ahaa  ninka hoggaaminayay wadahadallada lala galayay Taalibaan u soo diri doonta Soomaaliya.

Wararka aan helnay waxay sheegayaan in ergayga Qatar uu doonayo inuu la kulmo dhammaan qaybaha kala duwan ee isku haya siyaasadda Soomaaliya iyo wakiilada beesha caalamka.

Soomaalida badankeed iyo wakiilada beesha caalamka ayaa rumaysan in Qatar ay tahay maalgeliyaha dowladda Farmaajo tan iyo 2017, iyadoo bixisa kharashka howlgallada ciidan iyo siyaasadeed.

Todobaadkii hore ayeey wasaaradda arrimaha dibada ee Qatar beenisay warar diblomaasiyadeed oo ku eedeeyay inay lacago boorso lagu qaado soo mariso taliyaha nabadsugidda Fahad Yasin.