Madaxweynaha oo ka hadlayey munasabada shaqaalaha aduunka oo sheegay in dalka uu wajahayo xalad adag

0
52

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo war kasoo saaray Maalinta Shaqaalaha Adduunka oo maanta ku beegan ayaa hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysas-kooda.

Farmaajo ayaa farriin gaar ah u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed, isaga oo uga mahadceliyey sida maskax iyo muruqba ay u geliyeen dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey ” Waxa ay maanta oo kale mudnaayeen maamuus, dabaaldegyo, kulamo lagu sharfayo iyo guddoonsiin billad shara, laakiin nasiib xumo saamaynta uu keenay caabuqa COVID-19 darteed suurtogal inooma ahan arrimahaasi,”.

Dhinaca kale madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay haatan la tacaaleyso xaalad halis ah oo uu sababay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, kaas oo kusoo labo kacleeyey gudaha dalka.