Maamulka jubaland oo shaki badan geliyey qudbadii madaxweyne farmaajo

0
53

Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay mowqofkeeda ku aaddan hadalkii uu Baarlamanka ka horjeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in arrimaha doorashooyinka iyo amniga uu ku wareejinayo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland Eng Cabdi Xuseen ayaa arrimahaas uga warramay wariyaha VOA isaga oo xusay in Jubbaland aysan ku deg degi doonin go’aanada ka soo baxay Baarlamaanka iyo Farmajo.

Waxa uu sheegay wasiirka in madaxweyne Farmaajo uusan weli wareejin mas’uuliyadii amiga, isagoo balan qaadkiisii shalay ku tilmaamay mid marin habaabin ah.

Waxa uu tilmaamay in madaxweynaha looga fadhiyo in amniga guud ee dalka uu ku wareejiyo ra’iisul wasaaraha, maadaama meel kasta dalka ay ciidamo isku hor fadhiyaan, sida uu sheegay wasiir Cabdi Xuseen.