Wasarada arimaha dibada mareykanka oo soo dhaweysay go,aankii uu shaley gaarey baarlamaanka

0
69

Wasaarada arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ka hadlay go’aankii uu shaley gaaray Madaxweyne Farmaajo iyo waliba Golaha shacabka iyagoo soo dhaweeyay kuna amaanay madaxweynaha tanaasulka uu sameeyay.

Mareykanka ayaa sheegay iney muhiim tahay in dib loogu laabto heshiikii doorasho ee 17 September kaa oo Ra’isul Wasaare Rooble hogaamin doona iyaagoo ku baaqay in la gabagabeeyo waxyaabaha muhiimka ah ee hor yaala doorashada.

wasarada Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale ku baaqday hergelinta doorasho loo wada dhan yahay oo ay ku jirto in laga heshiiyo arrimaha amniga.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay iney taageeryso geedi socodka doorasho ee dalka uu galayo.