Xoghayaha qaramada midoobey oo soo dhaweeyey go,aankii golaha shacabka

0
46

António Manuel de Oliveira Guterres ayaa soo dhaweeyey Go’aankii ay Golaha Shacabka shalay ku ansixiyeen Sharciga Khaaska ee Doorashooyinka Federalka iyo in dib loogu laabto Nidaamkii Doorashadda ee lagu heshiiyey bishii September 17-dii ee sanadkii hore ee 2020-kii.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Stephane Dujarric ayaa sheegay inuu Antonio Guterres ugu baaqay dhamaan Saamilayda Siyaasadda Somalia inay sida ugu dhaqsaha badan u bilaabaan Wada-xaajoodyada iyo in la qabto Doorashooyin Daah-Furan oo aan dib-u-dhac dheeraad ah lahayn.

Waxa uu xusay muhiimadda uu Heshiiska Is-afgaradka leh u yeelan karto Deganaanshaha Somalia.

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa shalay laaley muddo-kordhintii labada sano ahayn ee ay horey ugu codeeyeen, waxayna mar kale dib ugu codeeyeen in la sii ambaqaado Heshiiskii Nidaamka Doorshooyinka Dadban.