Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku guuleeystay inay gacanta ku dhigaan Burcad dhibaato ku hayay Shacabka ku dhaqan degaano hoosyimaado Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle.
Ciidamada ayaa howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaanada caliwarabey, gumarey, morajido, gololeymobleyn, sarsare cadaga, madaxgise oo hoosyimaado magaalada jowhar, waxaana saraakiisha ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen laba kamid ah Kooxaha Burcadda ah oo dadka dhibaateen jiray.
Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in Ujeedka howgalka uu ahaa baacsiga burcad dhibaato kuheeysay shacabka kudhaqan degaanadaasi hoosyimaado magaalada jowhar kadib cabasho uga timid dadka Shacabka ah.
Howlgalka waxaa hoggaaminayay abaanduulaha Guutada 3-aad Gaashaanle Xuseen Fagaaso iyo Taliyaha Howlgalinta Guutada Dhamme Ismaaciil Kuuloow Tuure.