Madaxweynaha oo xaley kulan la qaatey qaar ka mid ah warbaahinada gaarka loo leeyahay

0
56

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabbilay qaar ka mid ah madaxda xarumaha warbaahinta gaarka loo leeyahay ayaa ugu hambalyeeyey Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay mar walba Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’antahay dhowrista xuquuqda iyo xorriyadda saxaafadda iyada oo tallaabooyin muuqda loo qaaday dhankaas, taas oo ay tusaale u tahay qiimaynta sannadlaha ah ee ay 2020-ka sameeyeen ururrada u dooda warfidiyeenka oo xaqiijiyay in dalkeennu uu sameeyey horumar dhanka xorriyadda iyo xuquuqda saxaafadda ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay door muhiim ah siisay horumarinta saxaafadda, iyada oo dadaal ku bixisay ilaalinta xuquuqda Warbaahinta lana meel mariyey shuruuc iyo xeer ilaaliye u gaar ah saxaafadda si looga hortago tacaddi iyo meel-ka-dhac kasta oo ka dhan ah warbaahinta.

Dhankooda, Madaxda Warbaahinta Gaarka Loo Leeyahay ayaa Madaxweynaha la wadaagay in ay laga ma maarmaan tahay in Dowladdu ay xaqiijiso xorriyadda iyo madax-bannaanida warbaahinta, waxa ay sidoo kale soo gaarsiiyeen dhacdooyin iyo falal ay tabasho ka qabeen, iyaga oo codsaday in arrimahaas wax laga qabto.