
Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degmada Ceelwaaq ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar qarax ku bilaawday ay ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin degmada Ceewaaq, waxaana halkaasi ka dhacayd aagal xoogan.
Dadka degmada qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac balse aysan biixn Karin faah fahino dheeraad ah.
Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalka ayaa waxaa Warar lagu qoray Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay askar uu kujiro Sarkaal laba Xiidgle Kenyan ah.