Dowlada qadar oo somaliya ku qasabtey inay la heshiiso kenya

0
64

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay dib usoo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed ee Kenya, oo ay hore u jartay kadib markii uu soo kala dhex-galay khilaaf xoogan oo ku qotomay faro-gelin ay dowladda federaalka ku eedeysay Kenya.

Sii-hayaha Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta u aqriyay war-murtiyeed uu sheegay inay si wadajir ah usoo saareen dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo lagu gaaray ilaalinta daris wanaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Al-Caddaala ayaa sheegay in war-murtiyeedka wadajirka ah ee dib usoo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya lasoo saaray, kadib markii ay labada dhinac ku heshiiyeen ilaalinta danaha labada dal iyo ka fogaanshaha waxkasta oo keenaya faro-gelin gudaha ah.

Soo celinta xiriirkan ayaa waxaa ka shaqeeyay dowladda Qatar oo dhowaan ergey gaar ah, Dr. Mutlaq Al-Qahtani usoo dirtay magaalada Muqdisho, oo uu wada-hadal kula yeeshay madaxda dowladda federaalka, isaga oo maanta-na Nairobi kula kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Qatar ayaad u dooneysa heshiis dhex-maray Soomaaliya iyo Kenya, oo laga gaaro muranka badda Soomaaliya, sababtoo ah, dhul badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay ayaa waxaa qandaraas shidaal baaris ah ku haysta shirkadda ENI ee Talyaaniga oo Qatar ay saami ku leedahay.