Madaxweynihii hore ee somaliya oo ka hadley heshiiska ay wada galeen golaha musharixiinta iyo dowlada

0
113

Madaxweynhii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmad ayaa ka hadlay heshiiskii maanta ay kala saxiixdeen midowga musharaxiinta oo uu ka tirsan yahay iyo waliba xukuumadda Soomaaliya.

Heshiiska ayaa ku qotomay sida laga yeelayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha doorashada iyo waliba ciidamada Mucaaradka ee Muqdisho ku sugan.

Hoos ka akhriso qoraalka Sheekh Shariif:

Waxaan soo dhaweynahaa heshiiska laga gaaray rabshadihii ka dhashay muddo kordhintii sharci darrada ahayd, anigoo codkayga ku biirinaya in ciidamada qalabka sida ee geesiyayaasha aan marna la siyaasadeyn oo ay ku laabtaan xarumahoodii.

Waxaan kaloo bogaadinayaa dadaalada Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Xil-Gaarsiinta, iyadoo aan ka rajeyneyno in heshiis laga gaaro doorashooyinka iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17 September.

Waxaan ku celinaynaa markale in gacmaha la isku qabsado sidii looga gudbi lahaa marxaladdan adag ee kala guurka, iyadoo wax kasta lagu bixinayo dib uheshiin, isqancin iyo isku tanaasul.

Waxaan u mahad celinayaa guddiyadii kasoo shaqeeyey heshiiska iyo saraakiishii badbaadiyay dalka, maamulada xubnaha ka ah dowladda dhexe, iyo sidoo kalena saaxiibada caalamka ee waqtiga ku bixiyay in lagu laabto heshiiskii 17 September 2020.