Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda federalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yusuf Al-Caddaala ayaa faah-faahin dheeriya ka bixiyay heshiiska shalay lagu gaaray magaalada Muqdisho ee lagu soo afmeeray qalalaasihii ka dhashay mudo kororsigii Farmaajo.
Al-Caddaala ayaa sheegay in marka ay ciidamada Badaabdo Qaran ka baxaan magaalada Muqdisho ay ciidamada dowladda si toos ah ula wareegi doonaan amniga caasimada, islamarkaana la guddo galo arrimaha doorashooyinka.
Hase yeeshee, ra’iisul wasaare Rooble ayaa shalay sheegay in xukuumadda ay waddo qorshe ay kusoo dhiseyo ciidamo khaas ah oo fuliya amniga dooarshada, kuwaasi oo loo wada dhan yahay dhex-dhexaadna ah, oo u mideysan yihiin dhinacyada.
Ra’iisul wasaaraha ayaa uu intaas ku daray inay ciidankaasi ku shaqayn doonaan xayndaabka sharci uuna dhisiddooda kala tashan doono dhammaan saamileyda siyaasadda dalka.
Dhinaca kale, Al-Caddaala ayaa sheegay in heshiiska ciidanka Badbaado Qaran looga saaray Muqdisho ay kasoo shaqeeyen guddigii uu dhawaan magaacabay ra’iisal wasaare Rooble, oo isugu jiray xubno taabacsan mucaaridka iyo dowladda oo loo xil-saartay
“Guddiga ayaa soo diyaariyey warbixintooda kadibna waxaa kulmay ra’iisal wasaare Rooble, Midowga Musharaxiinta iyo madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle ayaa wada kulmay si loo shaaciyo natiijada waxyaabihii ay soo saareen guddiga,” ayuu yiri.
Waxa uu hoosta ka xariiqay in heshiiskaas ujeedkiisa u weyn uu ahaa “sidii dib loogu soo celiyo degenaanta xaalada amni ee caasimada,” maadama ay muddooyinkii dambe ciidamo kasoo horjeeda muddo kororsigii fashilmay ay dhufeyso hor leh ka qoteen degmooyin kamid ah magaalada Muqdisho.
“Waxa uu nuxurka ahaa in ciidamadii magaalada soo galay dib loogu celiyo xeryahooda, sidii ay ciidamada booliska gacantooda keliya ugu jiri laheyd amniga magaalada Muqdisho.”
Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in qoddobada ugu cawaaqibta culus ee heshiiska uu kamid yahay in in dhinacyada iska soo horjeeda aysan Ciidamada Qalabka u adeegsan arrimo siyaasadeed, ayna fara-gelin ku sameyn.
