
Reysulwasaraha xukuumada federalka ayaa habeenkii xaley waxaa uu hoyga Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xusseen kulan kula qaatey Madaxweynaha Galmudug iyo Midowga musharaxiinta.
Kulanka ayaa looga hadlayey xaaladaha guud ee dalka ka jira iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlaha doorashooyinka dalka.
Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali guudlaawe oo kulankaasi marti geliyey ayaa sheegay in uu wado dadaalo xoogan oo looga arinsanaayo masiirka dalka si heshiis looga gaaro qabsoomida doorasho loo dhan yahay.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho ay kulamo wadatashi ah ku yeeshaan Xubno ka socda Xukuumadda, Midowga Musharixiinta & Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hir-Shabeelle.