Midowga africa oo ergey cusub usoo magacaabay dalka somaliya

0
49

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Ghana, John Dramani Mahama, u magacaabay ergayga gaarka ah ee arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Dramani Mahama ayaa la sheegay inuu la shaqeyn doono daneeyayaasha Soomaalida, si loo gaaro xal loo dhan yahay oo ku saabsan qabashada doorashooyinka Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan.

Guddoomiyaha midowga Afrika wuxuu sheegay in wakiilka cusub ay taageeri doonaan AMISOM, si loo hubiyo in dadaallada dhexdhexaadinta iyo taageerada nabadda ay si wada jir ah u wada shaqeeyaan.

Moussa Faki wuxuu ku dhiirrigeliyay dhammaan daneeyayaasha Soomaaliya iyo beesha caalamka inay taageero u fidiyaan Wakiilka uu soo magacaabay, kaasoo dalka imaan doona maalmaha soo socda.