Madaxweynaha maamulka hirshabele oo ka hadley fatahaada webiga

0
72

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in xaalad aad u daran ay xilligan kajirto Magaalada Jowhar iyo tuulooyinka hoostaga, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay uu Wabiga Shabeelle aad uga fatahayay.

Cali Guudlaawe oo dib ugu laabtay shalay magaalada Jowhar ayaa sheegay in fatahaado uu aad u sameeyay dadka ku nool Gobolka Sabeellaha dhexe, sidoo kalena ay dareemayaan xaalad adag, isla markaana dalagyada beeraha uu baabi’iyay fatahaada Wabiga.

Waxaa uu ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto loogana hortago fatahaada, waxaana uu hadalkisa uu intaasi ku daray in Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe looga baahan yahay inay wax ka qabtaan dhibaatada kajirta Magaalada Jowhar.