Midowga musharixinta oo soo dhaweeyey magacaabista ergeyga cusub ee midowga afirka

0
49

Golaha Midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey ergeygii ururka Midowga Afrika uu Soomaaliya ugu soo magacaabay Madaxweynihii hore ee dalka Ghana John Dramani Mahama oo noqonaya u qaabilsanaha Midowga Afrika ee dhexdhaxaadinta khilaafka doorasho ee ka jira Soomaaliya.

Sidoo kale golaha ayaa qoraalkaan ku balan qaaday inuu si buuxda ula shaqeyn doono Ergeyga cusub iyo kooxdiisa, iyagoo ka codsaday daneeyayaasha kale ee siyaasadda dalka inay la shaqeeyaan Ergaygan cusub.

Sidoo kale Golaha ayaa u kala eexasho ku eedeeyey La-taliyaha sare ee siyaasada kooxda dhexdhexaadinta Midowga Afrika, waxayna musharaxiintu qoraalkaan ku codsadeen in dib u eegis lagu sameeyo magacaabidiisa.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay si dhab ah uga walaacsan yihiin muhiimada uu leeyahay xilkaan Qaran ee uu hayo Babatunde Taiwo iyo tuhunka ay ka qabaan, iyagoo soo jeediyey in laga bedelo.