ciidanka boliiska oo ka warbixiyey qarixii xalay lala begsaday saldhiga waaberi

0
84

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qaraxii xalay ka dhacay saldhiga degmada Waabari ayaa sheegay in ay ku geeriyoodeen ilaa lix ruux oo ay ka mid ahaayeen labo taliye ciidan.

Qofka weerarka soo qaaday ayuu sheegay in uu ahaa ismiidaamiye lagu soo beegay xili uu saldhiga ka socday shir ay lahaayeen saraakiil ciidan, taasoo keentay in uu khasaare badan sababo.

Taliyayaasha ku geeriyooday qaraxa ayaa kala ahaa taliyihii saldhiga degmada Waaberi Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane iyo Taliye kuxigeenkii Waliyow Cadde Gaashaanle Dhexe Cabdibaasid Maxamud Cageey.